Siyaaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo War Kasoo Saaray Qodobadii Kasoo Baxay Shirkii IGAD

Siyaaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisibiga Wadajir  ayaa ka hadlay War-murtiyeed laga soo saaray Shir madaxeedka urur Goboleedka IGAD oo lagu qabtay dalka Jabuuti, waxaana kasoo baxay shirkaaasi Qodobbo dhowr ah.

CC Shakuur ayaa sheegay in  uu kula talinayo Madaxweyne Farmaajo in talada waxgaradka bulshada, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka uu dhageysto, si meesha looga saaro walwalka iyo dareenka taban ee ay shacabku ka qabaan arrimaha doorashooyinka.

Qodobka 14-aad ee war-murtiyeedkii ka soo baxay shir madaxeedka IGAD ee ka hadlaya doorashooyinka Soomaaliya wuxuu adkeeyey war-saxaafadeedkii ay sida wadajirka ah u soo saareen beesha caalamka 15-kii December. Qodobkaas ayaa sidatan u dhigan

“Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada iyo saamileyda kale in ay xalliyaan khilaafka ka dhashay maamulka doorashada si kalsooni iyo wadar-ogol ah, iyadoo la tixgelinaya ruuxda heshiiskii iyo kii 17-kii September 2020”

Horey ayaa Golaha Midowga Murashaxiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku taliyeen in Madaxweyne Farmaajo uu hannaanka maamulka doorashada dhexda soo dhigo, lagana heshiiyo is marin waaga ka taagan qodobbada la isku hayo.

Waxaan mar kale kula talinayaa Madaxweyne Farmaajo in uu talada waxgaradka bulshada, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka dhageysto, si meesha looga saaro walwalka iyo dareenka taban ee ay shacabku ka qabaan arrimaha doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com