Baarlamaanka Turkiga oo Ansixiyay Qaraar in Ciidankooda ay ka Hawlgeli karaan Xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed

Baarlamanka Turkiga, ayaa xalay ansixiyay Qaraar ku saabsan, in mudda sannad ah lagu kordhiyo Hawlgalka  Ciidamada Turkiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Ciidamada Turkiga ee jooga Xeebaha Soomaaliya, ayaa qaabilsan Ilaalinta maraakiibta iyo doonyaha Ganacsiga Turkiga, si aysan ula kulmin weeraro uga yimaada Burcad-badeedda Soomaalida.

Hawgalkaas Ciidamada Turkiga oo ku ekaa 10-ka bisha February ee sannadkan 2021, ayaa lagu kordhiyay  mudda sannad ah oo ku eg 10-ka bisha February 2022, sida laga soo sigtay Qaraarka Baarlamanka.

Qaraarka waxa lagu sheegay, in Ciidamada Badda Turkiga ee ka hawlgala xeebaha Soomaaliya ay muhiim u yihiin Amniga maraakiibta iyo doonyaha Ganacsiga Turkiga ee mara Gacanka Cadmeed, sidaas darteedna loo kordhiyay mudda sannad ah

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com