Wadooyinka Muqdisho oo xiran iyo cabsi laga qabo banaanbaxyo Mucaaradka ay Abaabulayaan

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa saakay Dadku waxaa uu waaga u baryay iyadoo inta badan Wadooyinka ay xiran yihiin

Waddooyinka la xiray ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, Jubba , Afarta Jardiino , Maana boolyo  iyo  jid cadayaasha Xaafadaha dhexdooda la dhigay ciidamo boolis iyo Nabad Sugid isugu jira

Sababaha maanta loo xiray waddooyinka Muqdisho ayaa lagu sheegay cabsi laga qabo in maanta magaalada Muqdisho ka dhacaan bannaan baxyo  looga soo horjeedo Dawlada Federaalka Soomaaliya Sidoo kale waxaa jiray abaabul bannaan baxyo ah oo ay qaban qaabinayaan Midowga Musharaxiinta, kaasoo la sheegay inuu bilow u yahay bannaan baxyo maalmo socon doona oo ay ka dhigayaan Muqdisho.

Murunka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ah qabsoomida doorashada oo  aan xal laga gaarin khilaafka ka taagan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com