Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ka bilaabay kulammada abaabul dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ooh shalay ka baxay Magaalada Muqdisho ayaa  gaaray  dalka Talyaaniga si uu  uga qeyb-gelo Shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah oo ka dhacaya magaalada Roma.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Faroonka diyaaradaha Magaalada Roma kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan dowladda Talyaaniga, iyada oo intaasi kadib la geeyay Goobo loo diyaariyay si ay u degaan.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Cali Dige ayaa Warbaahinta u faah faahiyay shirarka uu Madaxweyne Xasan sheikh uga qyeb galayo dalka Talyaaniga.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Talyaaniga waxaa uu shirar gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda kasoo qeyb galeysa Shirka looga hadlayo cunto yarida kajirta Caalamka, isaga oo kaa hadli doona arrimo ku saabsan Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com