Baaq iyo Tallo soo jeedin kusocota Xildhibaanada Baarlamaanka KGS.

HODHAC:-

Waxeeey eheeyd 23kii  bishii march 2020 markii la dhisay Baarlamaankii Labaad  (2-aad) ee DGKGS, isla markaana uu si rasmi ah ugu furmay kalfadhigoodii 1-aad. Waxeeyna eheeyd 1-dii  bishii april 2020 oo ay doorteen guddoonka golaha. 19 maalmood kadib oo ku beegneeyd 20 april 2020 iyadoo aan weli la dhisin guddiyadii kala duwanaa ee golaha isla markaana uusan goluhu diyaarsan xeer hoosaadkii iyo habraacyadii uu ku shaqeyn lahaa ayaa waxaa ay xildhibaanadu ku dhawaaqeen inay go’aansadeen in ay madaxweyne Laftagareen ugu dareen muddo xileedkiisa hal sanno oo dheeri ah iyagoo ku andacoonaaya in la is waafajinaayo oo leeysla simaayo muddo xilleedyada baarlamaanka iyo kan madaxweynaha. Xildhibaanada ayaa markaas waxay xiiso iyo xamaasad gaar ah u qabeen xilalka baarlamaan ee sida sahalka ah oo sharciga baalmarsan loogu soo xulay waxeeyna taas badelkeed abaal marin uga dhigeen shaqsigii soo xushay hal sano oo dheeri ah oo sharci daro ah dastuurkana baal marsan. Xildhibaanadu kama aysan fikirin cawaaqib xumada ka dhalan karta tallaabadaas sharci darada ah ee ay sameeyeen, tallaabadaasoo ay qaadisteeda hore uga xishoodeen baarlamaankii iyaga ka horeeyay, maaddaama ay u muuqatay iswaafajin muddo xilleed inay ka dhigan tahay muddo kororsi sharci daro ah oo aan waafaqsaneeyn qodobada 39-aad iyo 50-aad dastuurka kmg ee dowlad goboleedka KGS, sidoo kalena uusan jirin wax qodob dastuuri ah oo waajib ka dhigaaya in muddo xilleedyada hay’adaha dastuuriga ah ay isku mar bilowdaan isku marna dhamaadaan. #Qodobka 39-aad wuxuu tibaaxayaa in muddo xilleedka baarlamaanku uu yahay 4 sanno oo ka bilaabata maalinta xilka loo dhaariyo, halka qodobka 50-aad uu sheegayo in muddo xilleedka madaxweynaha uu yahay 4 sanno marka xilka loo dhaariyo.

#Muddo kadib waxaa xildhibaanadii baarlamaanka 2-aad ee horey u sheegay ineey iswaafajiyeen muddo xilleedyada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, ay caddeeyeen ineeysan jirin wax go’aan oo muddo iswaafajin ah oo ay gaareen hase yeeshee ay ansaxiyeen oo keliya soo jeedin ku saabsan in laga doodo qaabkii la isku waafajin lahaa muddo xilleedyada, isla markaana warka ku saabsan in la go’aamiyay in muddada la is waafajiyana uu yahay mid ku kooban Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka.

Go’aankaas sharci darrada ah isla maarkaana aan loo marin habraaca sharciga ah ee sharci dejinta ama wax ka beddelka qodobada aasaasiga ah ee dastuurka waxay horseeday inuu Laftagareen ka baaqsado inuu qabto doorasho kadib markii uu dhamaaday muddo xilleedkiisa sharciga ah taasoo ku beegneeyd 19kii december 2022 isagoo ku andacoonaaya in baarlamaanku ay hal sanno oo dheeri ah ugu dareen sharci ama sharci daro waxii ay doontaba ha ahaatee. #Ugu dambeeyn waxaa is jiid-jiidkii iyo hardankii siyaasadeed ee ka dhashay khilaafkaas uu sababay inuu dhaco #Dagaal sababay dhimasho, dhaawac, bur-bur hantiyeed iyo barakac. 4/2/2023 waxaa magaalada Baydhabo lagu gaaray heshiis siyaasadeed ee uu garwadeen ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, mudane Sheekh Aadan Madoowe isla markaana damaanad qaade ka noqday Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddaba maxaa la gudboon xildhibaanada baarlamaanka KGS xilliga hada aan ku jirno?

Soomaalidu waxay tiraahdaa WAX TAGAY TIIGSIMAAD MA LEH, maaddaama ay horey ugu andacoodeen ineeysan wax muddo kordhin ah u sameynin Laftagareen balse xoog iyo xeelad loo adeegsaday oo taladu ay ka hoos baxday, waxaan ugu #Baaqeeynaa maanta inay si feejignaan leh uga fiirsadaan tallaabo kasta oo ay qaadi rabaan isla markaana aysan dib ugu noqon gefkii ay horey u galeen, taasoo dhiiggii ku daatay uu weli qoyan yahay isla markaana aysan xildhibaanadu weli ka garaabin ama ka tacsiyeynin inay sabab u noqdeen wixii dhacay.

Xildhibaanow yaan mar kale laguu adeegsan dano siyaasadeed iyo rabitaan shaqsi ee u damqo shacabkaaga, fulina dhaartii aad ku martay kitaabka Alle, taasoo xisaabteedu ay kuu dambeyso.

Ha iloobina gefkii aad horey u gasheen ineey tahay midii sababtay inuu dhiig ku daato Baydhabo walaalahiina ay geeriyoodaan.

#Mudane xildhibaan Hadaadan dib u baarin #Taariikhdii lasoo maray waxaa hadana dhici doonto inaad mar labaad si ula kac ah oo aan mar-marsiiyo loo heli doonin aad u sababi doontaan in mar kale uu #Dhiig ka daato, shacabkii aad mataleeysaan oo ay hortiina isku baabi’iyaan.

#Ugu dambeyn waxaan ugu #Baaqi lahaaa guddoonka muddo xilleedkiisu dhamaadka yahay ee baarlamaanka kgs, inuusan mar labaad u horseedin #Dadka iyo #Degaanka kgs degganaansho la’aan, jahwareer, xasillooni dari siyaasadeed oo hor leh iyo qalalaase amni  oo keeni karta inay dhacaan shaqaaqooyinkii iyo iska hor imaadyadii ka dhacay magaalada Baydhabo dhamaadka sannadkii 2022, kaasoo horseeday, Dhimasho Dhaawac, Barakac iyo Bur- bur hantiyeed. Sidoo kale tallaabooyinka guracan ee aan ka fiirsashada laheeyn ee uu qaadi rabo guddoonka baarlamaanka KGS waxay sababi doonaan inay xaaladda uga sii darto isla markaana ay adkaato xallinteeda iyo in dib la isku aamino, waxaana cawaaqib xumadaas mas’uuliyadeeda qaadi doona oo lagula xisaabtami doona guddoonka baarlamaanka kgs ee waqtigiisu dhamaaday.

Qore: Cali Cabdi Baab

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com