Norway : waxgarad kasoo jeedo koofurta Soomaaliya oo kahadlay maqaam u sameenta G/banaadir +sawiro.

Waxgarad isugu jira aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo culumaa’udiin kasoo jeeda gobolada koonfureed ee Soomaaliya ayaa kullan ku yeeshay magaalada Oslo ee dalka Norway.

Qaar ka mid ah waxgaradkaasi ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in gobolka Banaadir maqaam u raadintiisa la hoos geeyo dowladda dhexe ee waqtigeeda sii dhammaanayo.

Siyaasi Axmed Wacees oo ka mid ah dhinacyadii kullanka ka qeyb galay ayaa sheegay in aayaha iyo masiirka gobolka Banaadir ay tahay in lagala tashado dadka ku abtirsada gobolka.

Sidoo kale Duuliye sare Sharah Abdi oo dhankiisa ka hadlay kullanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo loo doortay inuu dadka isku keeno, hase yeeshee aan loo dooran inuu bulshada kala irdheeyo isla markaana caqabad ku noqdo maqaam u sameenta gobolka Banaadir.

Si kastaba dhinacyadii ka qeyb galay kullanka ayaa isku raacay in loo baahan yahay si deg deg ah gobolka Banaadir in maamul u gaar ah loogu dhiso.