Mooshin si xowliya ah Muqdisho ugu socdo!!

Mooshinka kadhanka Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa caawa si xowliya ugu socdo Magaalada Muqdisho. mooshinka oo uu hormuud ka yahay Raysulwasaare ku xigeenka Dowladda Federalka Mahdi Maxamed Guuleed  ayaa si weyn caawa loogu darremaya hoteelada iyo hoyga Mahdi Guuleed oo noqday mid mashquula.

Mooshinka waxaa diyaarintiisa ka danbeeya sida ila wareedyo muhiima Aragtidacusub Media Group  u xaqeejiyeen Madaxtooyada Villa Somalia kadib khilaaf Xoogan oo soo kala dhex galay gudoomiye Cabdi Xaashi iyo Madaxweyne Farmaajo oo aan jeclaysan warkii uu dhawaan soo saaray gudoomiyaha ee ku saabsana arrimaha doorashada Dalka.

Xubnaha mucaaradka Beesha Caalamka iyo maamul gobaleedyada ayaa si weyn usoo dhoweeyay warkii dhawaan ka soo baxay xafiiska Gudoomiyaha kaasi oo ku saabsana in laga wada tashado doorashada habkey u dhacayso.

Aragticusub Media Group wuxuu idiin balan qaadaya xogaha muhiimka in uu ka haqabtiro iyo hadba halka ay Siyaasada dalka marayo in uu ku soo gudbiyo lasoco wixii mooshinka ku soo kordho.