Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo dacwad culus lagu soo oogay

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman ayaa lagu eedeeyay inuu dalka Canada u diray koox, uu qorsheeyay inay qaarajiso Taliyihii hore ee Sirdoonka Sacuudiga, Saad al-Jabri.

Qorshahan ayaa la fashiliyay wax yar ka dib dilkii argagaxa lahaa ee Wariye Jamal Khashoggi loogu gaystay Qunsuliyadda Sacuudigu ku leeyahay Magaalada Istanbul, sida ku cad dokumenti eedeyntiisaan ku saleysan, oo loo gudbiyay maxkamad ku taala dalka Mareykanka.

Taliyihii hore ee Sirdoonka Sacuudiga oo ka mid ahaa ragga ugu saamaynta badan Boqortooyada Sacuudi Carabi ayaa saddexdii sano ee ugu dambeysay musaafuris ahaan ugu noollaa dalka dibadiisa. Bilowgii ayuu degay dalka Turkiga, isagoona uga wareegay dhanka Canada. Ninkan ayaa xilligaa ka cararay hawlgaladii uu Mohammed bin Salman ku beegsanayay dad maal-qabeeno ah, oo qaarkood ka tirsan qoyska boqortooyada. Tan iyo xilligaa waxaa amnigiisa Magaalada Toronto ku ilaalineysay shirkad gaar loo leeyahay, oo amniga qaabilsan.

Muddo dheer ayuu ahaa xiriiriyaha Sacuudiga iyo Sirdoonka Wadamada Reer Galbeed, waxaana horaan loogu ammaanay inuu wiiqay Ururka Al Qaacidda, wixii ka dambeeyay sanadkii 2000.

Bartamihii bishii March ee sanadkan ayay ahayd markii carruurtiisa lagala baxay gurigii ay ka deganaayeen Magaalada Riyadh ee Xarunta Sacuudiga, sida uu sheegay Khalid Saad al-Jabri, oo ah wiilka ugu weyn carruurtiisa.

Hawlgalka xilligan la fashiliyay ee lagu qaarajin rabay waxaa uu ka dambeeyay, ka dib markii wakiilada xuduudda Canada ay ka shakiyeen kooxdaasi, oo xilligaa isu dayeysay inay dalkaasi ka soo galaan Garoonka Diyaaradaha Pearson ee Magaalada Toronto, sida ku cad gal dacwadeedka lagu soo eedeeyay.

Wakiilada xuduudda Canada oo durbaba kooxdaasi ka shakiyay ayaa u diiday inay dalka gudaha u soo galaan, ka dib markii ay wareysi la yeesheen.

“Mohammed bin Salman dhab ahaantii wuxuu u diray Waqooyiga Mareykanka koox, si ay u dilaan Dr. Saad.” Ayaa ku xusan eeddda loo haysto.

Qareenada difaaceysa Dr. Saad ayaa ka gaabsaday su’aalo ay Wariye-yaasha ka weydiiyeen dacwadda lagu soo oogay Dhaxal-sugaha, balse waxay sheegeen in wax kasta oo jiraba, ay ku soo bandhigi doonaan dhageysiga maxkamadda.

Dhaxal-sugaha 35 jirka ah ayay sumcadiisii wiiqantay, ka dib dilkii argagaxa lahaa ee uu amarka ku bixiyay in dalkaasi Turkiga loogu gaysto Wariyihii Washington Post, inkastoo horey loogu ammaanay inuu is bedelo waaweyn ka hirgeliyay dalkiisa.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com