Taliye Xijaar “Habeenka ay ugu yar tahay labo ama saddex askari oo booliis ah ayaa la dilaa

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), oo ka hadlayay dilalka ay geystaan askarta ka tirsan ciidamada Booliiska, ayaa sheegay in tuugada iyo kooxaha hubeysan ee falalka amni daro ka geysta magaalada ay iyagu xabada kala hormarayaan balse haddii ciidamada Booliisku iyago dilaan kooxaha burcadka ah in si weyn loogu dhaleeceynayo iyadoo la fiirinaynin falka iyo sidii ay wax u dhaceen.

“Habeenkii ay ugu yar tahay labo illaa saddex askari oo ka tirsan ciidamada booliiska ayaa la dila, haddii Booliisku xabada kala hormaro ay dilaan tuugga, waxaa magaalada oo dhan la isla dhex marayaa Booliiska ayaa qof dilay. Taleefano dhacayay, Baabuur buu dhacayay, haddii aad u tagna xabad buu kugu ridaya” ayuu yiri taliye Xijaar.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in marxalada ay ku shaqeynayaan ciidamada Booliisku ay tahay marxalad adag oo u baahan in qof walba miisaamo oo uu fahmo. Waxaana uu sheegay in tiro koobkii ugu dambeeyay ee bil illaa saddexdii bil ee la soo dhaafay in dambiyada ka dhaca Muqdisho inay wanagsan tahay marka loo fiiriyo xaaladda lagu jiro iyo tirada dadka.

General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa tilmaamay in hey’adaha amnigu dadaal ugu jiraan sidii loo adkeyn lahaa ammaanka guud ee dalka, isagoo tilmaamay in dalku leeyaay cadow aan ogoleyn in xasillooni lagu af-furo iyo xasilloni lagu tukado.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com