Wasiirka Maaliyadda XFS oo Washington kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo safar ku jaaga Dalka Mareykanka ayaa maanta kulan waxa uu la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Bangika Adduunka qeybta Afrika Hafez Ghanem

Wasiir Beyle ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kaga qeybgalay shirarka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hey’adda IMF, ayaa shirar muhiim ah la  qaatay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Afrika Hafez Ghanem.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ayaa ka wadahadlay arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, horumarka laga sameeyay barnaamijka Deyn Cafinta, Doorashooyinka dalka iyo Mashaariicda horumarineed ee Bangiga ka fuliyo Soomaaliya. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda XFS.

Dhanka kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cadbiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Peter Lord oo ah xubin sare oo ka tirsan Waaxda arrimaha Dibaddda Mareykanka. Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la qaatay xubno ka tirsan Hey’adda IMF iyo Hey’addaha kale dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa u joogo magaalada Washington shirarka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka, Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Hey’adda kale ee caalamiga ah.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com