24.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 23, 2024
Home Wararka Afrika Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo u yeeray Wasiirka Batroolka Somalia

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo u yeeray Wasiirka Batroolka Somalia

Xeer-ilaaliyaha Guud ee QarankaSuleymaan Maxamed Maxamuud ayaa u yeeray Wasiirka Wasaaradda Betroolka & Macdanta Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed kuna amray inuu xafiiska yimaado maalinta Isniinta ah oo ay bishu tahay 25/04/2022.

Sababta u yeeritaanka ayaa waxaa lagu sheegay in wax looga weydiiyo Heshiiska uu saxiixay ee dhexmaray, Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee DFS iyo Shirkadda Coastline Exploration Limited ee laga leeyahay dalka Mareykanka.

Xeer ilaaliyaha ayaa Wasiirka waxaa uu faray inuu waqtiga imaanshaha ilaaliyo oo ah 11:00 AM ee barqanimo.

Wasiirka Wasaaradda Betroolka & Macdanta Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa 19-kii Bishii Febaraayo wuxuu sheegay in heshiis Shidaal ee uu la ogaa Farmaajo la galay Shirkadda Coastline balse Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa durba diiday heshiiskaas kuna tilmaamay sharci darro.