M/W kuxigeenka Puntland waxaan si KMG ah ula wareegay Xilka Madaxweynaha .

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Karaash ayaa ku dhowaaqay in uu si kumeel gaar ah ula wareegay Xilka Madaxweynaha maamulka, ka dib markii Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu magaalada Muqdisho u yimid Ololaha Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Karaash ayaa waxaa uu ku sheegay in Puntland aysan geli karin firaaq Dastuuri ah, isla markaasna uu sharciga dhigayo in uu sii hayo Xafiiska Madaxweynaha.

Sidoo kale Hay’adaha Ammaanka ayuu faray in ay u hoggaasamaan Awaamiirtiisa, taasi oo ka dhigeysa Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Hoos ka akhriso Qoraalka Karaash.

Anigoo garowsan ahmiyadda ay leedahay u hoggaansamidda Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.

Anigoo garowsan masuuliyadda, xilka iyo waajibaadka baaxadda leh ee Madaxweyne Kuxigeenka.