Puntland oo sheegtay inaysan aqbali doonin natiijada kasoo baxda Shirka Jabuuti

Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka hadlay mowqifkooda ku aadan wada-hadallada Madaxda Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland uga socda dalka Jabuuti.

Waxaa uu sheegay in aysan qayb ka ahayn shirkaas,isla markaana ay waxaa nasiib daro tahay in Madaxweyne Farmaajo uu la shiro Koox Gooni u goosad ah sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland waxaa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in Bulshada Sool, Sanaag iyo Cayn aysan Aqbali doonin natiijo walba oo ka soo baxda shirkaas oo uu sheegay in dowladda Federaalka ay dano siyaasadeed ka raadineyso.

Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil waxaa uu Maanta ka sheegay furitaanka kal-fadhiga 46aad ee Golaha wakiilada Puntland.