Shabaab & Amisom oo Madaafiic isku waydaarsaday Degmada Balcad

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa tiro Madaafiic ah waxa ay ku garaaceen xalay Saldhiga Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Saldhiga Ciidamada Amisom ay ka degan yihiin Degmada Balcad ayaa wuxuu ku yaalla agagaarka Warshadii hore ee Dharka ee ku taalla Xaafada Xaawa Taako ee degmada Balcad, waxaana degan Ciidamada Burundi.

Dadka ku nool Degmada Balcad ayaa ku soo waramaya in xalay ay ku seexdeen xaalad argagax leh, kadib markii Amisom & Shabaab ay madaafiicda isweydaarsanayeen.

Al Shabaab ayaa la sheegay Madaafiicda inay ka soo tuurayeen beero ku yaallo duleedka Degmada Balcad, lama oga Khasaaraha ka dhashay Madaafiicdaasi.

Sidoo kale Ciidamada Amisom ayaa dhankooda jawaab ka bixinaayay Madaafiicda oo ku garaacayay jihada shabaab ay ka soo tuurayeen Madaafiicda.

Saraakiisha Amisom & Maamulka Degmada Balcad wali kama aysan hadlin Madaafiicdaan xalay la isku waydaarsaday Degmada Balcad & haddii uu jiro Khasaare ka dhashay Madaafiicdaasi.