Madaxweyne shariif sheekh Axmed iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe

Madaxweynihii hore DKMG ahayd ee  Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah midowga musharixiinta  ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xaruunta maamulka Puntland.

Sheekh Shariif iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa lagu dhaweeyay garoonka magaalada Garoowe waxaana soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland, Saciid Deni iyo xubno  ka tirsan maamulka Puntland.

Wafdiga uu hor kacayo Shariif ayaa waxa kamid ah Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, kuwaasi oo ka qayb galaya shirka Madasha aragti wadaaga Machadka Heritage, oo markii u horeysay lagu qabanayo magaalada Garoowe

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com