Somalida ku dhaqan Magaalada Stavanger oo saameyn ku yeeshay COVID-19.

Stavanger, Soomaalida ku dhaqan Magaalada Stavanger ayaa lagu soo waramayaa in saameyn xoogan ku yeedhay xanuunka Covid-19.

Stavanger ayaa aheyd maalmihii ugu dambeeyay mid si aad ah ugu sii faafayo Xanuunka.

Dadka ugu badan ee xanuunka ku dhacay ayaa la xaqiiijiyay in Soomaalida qeyb ka yihiin gaar ahaan kugu ku shaqeysta Tagaasida.

Sida ay ku warameen warbaahinta si loo xakameeyo xanuunka waxaa lagu wargaliyay dhammaan Soomaalida ku laabanaya shaqooyinka kadib fasaxa in ay la yimaadaan cadeymo la xiriirta ka bad qabka canuunka(Nagativ).

Goobo badan oo ay isugu imaan jireen Soomaalida gaar ahaan masaajida iyo maqaayadaha ayaa loo xiray sababo la xiriira faafida xanuunka Covid-19.

https://www.nrk.no/rogaland/somaliere-foler-seg-stigmatisert-av-kommunen-1.15306257

Xafiiska Wararka,Oslo

Info@aragticusub.com