Ururka Alshabaab oo bilaabay inay isaga cararaan degaanada bariga uga aadan magaalada Dhuusomareeb

Al-Shabaab ayaa bilowday inay ka cararaan degaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo hoos yimaada magaalada Dhuusomareeb, halkaas oo uu ka socda guluf dagaal oo lagu xoraynayo degaanada Shabaab ku sugan yihiin.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Alshabaab ay faarujiyeen degaano qiyaastii 50km dhinaca bari uga beegan magaalada Dhuusomaeeb, iyagoo cabsi ka muujinaya wajiga labaad ee howlgalka lagu xoreynayo Hirshabeella iyo Galmudug.

Maalintii sabtida, Alshabaab ayaa ciidamadeeda kala baxday deegaanka Ceel-lahelay oo ku dhow magaalada Dhuusamareeb Waxayna inta aysan bixin dadka degaanka ku wareejiyeen gaadiid ay xoog uga haysteen in muddo ah.

Ka bixitaankooda ayaa ku soo beegantay xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb  uuna ka   Abaabulayo  dagaalka ka dhan ah Alshabaab .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com