Macalimiin Dugsi Quraan oo lagu Dilay Degaanka Buurdheere oo ka Tirsan Degmada Cadale ee gobolka shabeelaha Dhexe

Wararka ka Imaanaya Degmada  Cadalle ee gobolka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Kooxo Hubeysan dil u geysteen Macalimiin Dugsi Qur,aan oo Subac ku jiray

Macalimiinta la dilay ayaa lagu soo waramayaa in Salaada Subax Markii ay Tukadeen Subac Quraan Akhris ah u Fariisteen  balse ay la kulman dhacdadaan Argagaxa leh ka dib markii kooxo maleeshiyo ah Rasaas ay kala dul dheceen

Dilka ayaa ka dhacay Tuulada Buurdheere oo 50 Kiiloo Mitir U jirta Degmada Cadale ee gobolka shabelaha Dhexe waxaana la sheegayaa in maleeshiyada dilka geysatay ay halkaasi ka carartay

Macalimiinta dilka loo geystay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay

  1. Macalin Maxamed Xuseen Axmed Cadaawe.
  2. Macalin Maxamuud Canbuure
    Daahir Xasan Cali Dheere
    4. Macalin Muqtaar Cabdullaahi Cilmi
    5. Ow Muxumud Xasan Cali Dheere

Aanooyinka la xiriira qabiilka ayaa mudooyinkii dambe ku soo kordhayay degmada Cadalle deganada hostage iyadoo dhawr jeer halkaasi ay ka dhaceen dagaal Beeleedyo markii dambe xal laga gaaray

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com