Hawlgal Dad badan lagu soo qabtay oo Hay,adaha Amniga Jubland ay ka sameeyeen Magaalada Kismaayo

Ciidamada Booliska  Magaalada Kismaayo ayaa maanta Sameeyay hawlgal lagu sugayo amniga Magaaladaasi.

Ciidanka oo ku raas joogay falal amni darro oo magaalada oo maalmihii  dhaafay  ka dhacayay ayaa soo qabtay ilaa 500 oo ruux oo isugu jira ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee shacabka kuwaas oo loo taxaabay saldhigga booliska dagmada Kismaayo.

Booliska Kismaayo ayaa Dadkan la soo xiray ku sameeyay baaritaan lagu ogaanayo waxa ay yihiin isla markaana sii daayay dadka aan lagaga shakiyin wax fal dambiyeed ah in ay ku lug leeyihiin halka kuwa kalena lagu xidhay saldhiga booliska dagmada inta laga dhammaystirayo baadhitaannada lagu wado.

Booliska ayaa sidoo kale gacanta ku soo dhigay  ganacsatada ganacsada hareeraha wadooyinka suuqa magaalada Kismaayo oo kamid ahaa dadkii lagu soo xidhay hawlgalkan uga digay in ay ka feejignaadaan in aysan ku soo dhex dhuumanin dad damacsan in ay fuliyaan falal amniga lid ku ah isla markaana ay banneeyaan goobaha ay sida sharci darrada ah ugu ganacsanayaan si ay u fududaadaan hawlaha fulinta amniga.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com