Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo ka qayb galaya shirka Dhuusamareeb

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka SoomaaliyaMaxamed  Xuseen Rooble  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug halkaa soo uu ka furmi doono shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada d.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa  Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareb ee Xaruunta Galmudug ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha uu hogaaminaayo.

Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble  ee Dhuusamareeb ayaa la xiriira  ka qeyb galka  shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo la filayo in uu saacadaha soo socda rasmi ah uu uga Furmo  Magaalada Dhuusamareeb

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com