Lamaane ka Mid noqday Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Hotel Afrik

Dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotelka Afrik magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah lamaane aroos ah oo deganaa hotelka.

Fahad Cabdiraxmaan iyo Farxiyo Cali Cumar waxay todobaadkii arooska ka baxeen labo maalin ka hor, intii aan lagu dilin goobtii ay ku aqal-galeen ee Hotelka Afrik.

Aabe Cali Cumar oo dhalay Faxriyo ayaa sheegay in gabadhiisu markii uu qaraxu dhacay soo wacday oo ku wargelisay weerarka, kadibna uu isla markiiba goobta tagay, hase ahaatee uu geliwaayay hotelka oo markaas ka socday howlgal.

Aaabaha dhalay Marxuumad Farxiya oo murugeysan ayaa tilmaamay in uu muddo dhaawacyada ka raadinayay gabadhiisa iyo saygeeda, laakiinse markii uu ogaaday in ay san noolayn ku dadaalay in uu arka meydkooda oo markii dambe uu ku arkay isbitaalka Madiina.

Wuxuu sidoo kale Tilmaamay  in aysan jirin cid ay weydiin karaan sida ay u dhinteen gabadhiisa iyo saygeeda, sidaas darteed maanta ku aasayaan qabuuraha Jasiira ee Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com