shil Baabuur oo khasaare dhimasho ah geystay oo ka dhacay Magaalada Garoowe

2 qof oo mid  Haweeney ay tahay ayaa ku geeriyooday , Dad kalena waa ay ku dhaawacmeen, shil gaari oo maanta ka dhacay wadada u dhexeeya Garoowe iyo tuulada Sinujiif, oo qiyaastiii 26km dhanka bari kaga beegan Magaalada  Garoowe.

Shilka oo uu sababay Baabuur, kaas oo ka yimid dhinaca tuulada Sinujiif, waxa sababay taayir ka qarxay gaariga oo si xawliya ku socday, sida Puntland Post ka soo xigatay Laanta Ilaalada wadooyinka ee Puntland.

Saddexda qof oo ku dhaawacmay shilkaas, ayaa loo qaaday isbitaalka Garoowe, waxaana lala tacaalayaa xaaladooda caafimaad.

Shilalka gbaabuurta  ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanaya Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Qardho, halkaas oo bilihii u dambeeyay ay ka dhaceen shilal kala duwan oo khasaare gaystay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com