Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Horkacayo oo gaaray Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xaruunta mamulka Galmudug, halkaas oo uu ka daahfuri doono Shirka Wadatashiga Dawlada Federalka iyo DMaamul Goboleed ee looga hadlayo arimaha doorashada dalka.

Shirka oo socon doona 1-da illaa 3-da bishan Febaraayo ayaa ku saabsan dhaqan gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, Islamarkaana ay Ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka doodidoona  qorsheyaasha muhiimka u ah hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com