Ra’iisal Wasaare Rooble oo 9ka bishan Febraayo Hortagaya Golaha Baarlamanka Soomaaliya

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uuhortagao Xildhibaanada Golaha shacabka si uu uga war bixiyo  in xukuumadda oo 3 bilood jirsatay ay waxqabadkeedii 100 ka maalmood ka jeedin doonto Golaha Baarlamaanka Talaadada 9ka bisha Febraayo 2021.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxyaabaha uu xoogga saaray mudada uu xilka hayo waxaa ka mid ah dadaalada dib-u-heshiisiinta, dar dar gelinta hannaanka Doorashooyinka Qaranka, dhiira-gelinta ciidanka qalabka sida iyo Dhageysiga tallooyinka wax ku oolka ah ee Bulshada rayidka.

Sidoo kale, Wuxuu Ra’iisal wasaaraha safaro shaqo oo 11 cisho qaatay oo uu ku tagay Puntland iyo Galmudug kaas oo ku qotomay arrimaha doorashooyinka, iskaashiga DFS & Dowlad-goboleedyada iyo u kuurgalidda nolosha bulshada

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa sheegay in boqolka maalmood ay jirsatay Xukuumaddiisa wax badan ay u qabsoomeed oo ay ugu weyn tahay dib u heshiisiinta iyo arimo kale oo xukuumaddiisa hormar ay ka gartay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com