maamulka gobalka Banaadir oo lagu wareejiyay qalab looga hortago covid 19

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee XFS waxay maanta Maamulka Gobalka Banaadir iyo Maamul-gobaleedyada Jubbaland iyo K/Galbeed ku wareejiyeen shixnad ka kooban qalabka looga hortago Caabuqa Coronavirus ee COVID 19.

Qoraal lagu soo daabacay Barta ay Wasaaraddu ku leedahay Facebook ayaa lagu xusay inu qorshuhu yahay in berrito Maamul-gobaleedyadda Hirshabelle iyo Galmudug la gaarsiiyo Qalabka looga gaashaanto COVID 19.

Jimcihii la soo dhaafay, waxay Wasaaradda Caafimaadka guddoonsiisay Qalabkaasi Maamulka Puntland iyo Somaliland.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com