Tiro Hoobiyaal ah oo xalay ku dhacay Xaafado ku yaala Dhuusamareeb

Wararka ka imaamaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xaruunta Maamulka Galmudug aya bsheegaya Tiro hoobiyeyaal xalay ku soo dhaceen magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo xalay ku hoyden  Madaxweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdil;aahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha maamulada iyo Koofur Galbeed iyo Hirshabeele.

Hoobiyeyaasha ayaa ku  dhacay qaybo ka mid ah  magaalada Dhuusamareeb  iyo garoonka diyaaradaha hase ahatee lama oga khasaaraha ka dhashay Hoobiyaasha

Hoobiyeyaasha xalay ku dhacay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku soobeegmaya , iyadoo  Halkaasi uu shir uga furmayo Madaxda dowldda Federaalka iyo dowlad Goboleed oo berri furmaya.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com