Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo Berri Codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub Ra’iisul Wasaare Rooble

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maalinta berri  ah Codka kalsoonida u qaadi doona Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Facebook-ga ee Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya, ayaa si rasmiya loogu shaaciyay in Ajandaha Fadhiga Baarlamanka ee Sabtida berriya, uu yahay Kalsooni-siinta Xukuumadda cusub.

Beri oo Sabti ah Tar 24 Oct, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka BJFS Agendaha Waa;  uCodeynta Kalsooni Siinta Xubnaha Golaha Wasiiradda Magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda” ayaa lagu yiri Qoraalka.

R’iisul wasaare Rooble, ayaa 19-kii bishan October soo magacaabay Golihiisa wasiirada cusub, kuwaas oo u badan Xukuumaddii hore ee Xasan Cali Khayre.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com