Gudoomiyaha Aqalka sare oo maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlaaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in uu maanta h ku wajahan yahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa Ogeysiiyay  Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Qoorqoor in uu maanta tagayo Dhuusamareb isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxaana uu Madaxweyne Qoorqoor uu ka Aqbalay in uu shirka ka soo qaybgalo si ee looga hadlo  Xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arimaha doorashada.

“Arrimaha taagan ee loogaga hadlayo shirka waxaa ka mid ah khilaafaadka arrinta Xildhibaannada Gobolada Waqooyi, taasi oo horay khilaaf uu kaga dhashay.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare.

Shirka wadatashiga ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug Waxaana Halkaasi shalay gaaray Wafdi ay kala Hogaamin ayo Madaxweyne Farmaajo ‘ Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Madaxda Dawlad Goboleedyada Hirshabeele iyo Koofur Galbeed

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com