Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Gaaray Magaalada Baraawe

Bawaare : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray Magaalada Bawaare ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo siweyn halkaas loogu soo dhaweeyay.

Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Baraawe ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana Garoonka diyaaradaha Baraawe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Wasiiro kamid ah dowladda.

Ujeedka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Degmada Baraawe ayaa waxaa tahay xarig jarka Garoonka diyaaradaha Magaaladaas oo dib u dayactir ballaaran lagu sameeyay gaar ahaan runweyga ay kusoo dagaan diyaaradaha.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com