Wararkii Ugu dambeeyay Shirka ka socda Muqdisho Gudoomiye Mursal iyo Sii haayaha Xilka Ra,iisal Wasaaraha oo ku biiray shirka

Iyadoo Magaalada Muqdisho uu ka socdo shirka looga hadlayo Hannaanka doorashada oo u dhaxeeya Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo, Madaxweynayaasha  maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa Waxaa sidoo kale kusoo biiray Madax kale oo ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya

Illo Wareedyo ayaa sheegaya in shirka ay kusoo biireen guddoomiyaha Golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo sii-hayaha Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Wararka ayaa sheegaya in kusoo biirista Mursal ay muhiim tahay Shirka sababtoo ah heshiis kasta oo la gaaro waxaa la horgeyn doonaa baarlamanka, sidaas darteedna waxaa laga fursan waayey in Mursal uu talo ku yeesho qodobada lagu heshiinayo.

Dhinaca kale  Madaxda maamul Goboleedyada ayaa  ku adkeysanaya  “ Inaysan  doorashadan maamulin Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaran, taas bedelkeed la sameeyo Guddi heer Federaal iyo heer dowlad goboleed,

In doorashada aanan xisbi lagu gelin iyo  In deegaanada doorashada aanay ka badan 2 deegaan, tirada ergada laga dhigo 101 illaa 150 ergo.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa intooda badan isku dhinac noqday, iyadoo xitaa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed oo wax ka saxiixay heshiiskii Dhuusamareeb 3 ay doonayaan in wax laga bedelo qodobada qaarkooda.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com