Dowladda Soomaaliya oo beenisay eedeyn loo soo jeediyay NISA

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay warar been abuur ah oo qaar kamid ah warbaahinta Kenya ay ka tabiyeen taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, kaasi oo lagu daabacay wargeysyada The Star iyo The Standard ee ka soo baxa dalka Kenya.

Waxaa ay sheegtay dowladda Soomaaliya in warkaasi been abuur uu yahay,waxaana ay ku tilmaantay weerar lagu bartilmaameedsanayo dowladda iyo hay’adeheeda.

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA waxaa ka go’an in ay sii waddo dagaalka lagula jiro Dagaaliyahaanada Al-shabaab,sidoo kale wararka been abuurka ah warbaahinta Kenya ay tabisayna waa mid la doonayo in lagu dhaawoco Hay’adda NISA iyo Madaxdeeda”. ayaa lagu yiri warkan ay soo saartay Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in laga fogaado wararka borobogaanka ah oo la xiriira NISA,sidoo kale warbaahintu waxay ku boorisay in aragti fiican ay ka qaataan arrintan oo kale,islamarkaana ay ka fogaadan war aan la hubin oo bulshada marin habaabin kara.

Warka ay baahiyeen Warbaahinada ayaa ahaa in Hogaamiyeyaal ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo madaxda laanta sirdoonka ee Nisa ay kawada hadleen sidii weeraro loogu qaadi lahaa ciidanka milatariga Kenya ee howlha nabad ilaalinta u jooga Ismaamulka Jubbaland.

Warbixintaan lagu qoray wargeysyada The Star iyo Standard ayaa dhanka kale lagu sheegay in la isla gartay in sirdoonka Soomaaliya uu dhiibo dhaqaalaha ku baxaya abaabulka weerarada Al-Shabaab.

Warbaahinadan oo soo xiganaya Xubno ka tirsan NISA oo ay tababareen ciidanka Kenya ayaa sheegay in ay maleegayaan weerarada ka dhanka ah milatariga KDF-ta ee ku sugan Soomaaliya.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com