Wasiir Amar-Dambe Oo Ingariiska Kala Hadlay Arrimo Muhiim Ah

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirka dowladda Ingariiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender.

Kulanka u dhexeeyay Wasiir Amar-dambe iyo Safiirka Ingariiska ayaa waxaa looga hadlay taageeradda Dowladda UK ay siiso Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo sidii ay uga qeyb qaadan laheyd dib-udhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya.

Wasiir Amar-dambe ayaa Safiirka iyo dowladda Ingariiska uga mahadceliyay Dib-udhiska iyo Tayeynta ay ku wadaan Taliska qeynta 60’aad ee Ciidanka Xoogga dalka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com