Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta ka doodaya Xeerka matalaada Gobolka Banaadir

Kadib, markii ay Xildhibaanadda Golaha Shacabka ay shalay u codeeyeen Qoondada Kuraasta Haweenka ku leeyihiin Barlamaanka ayaa waxay Xildhibaanadda maanta u ballansan yihiin inay gorfeeyaan, kadibna cod u qaadaan Xeerka ku aadan Matalaada Gobalka Banaadir oo 7 Xubnood laga siiyey Aqalka Sare ee BFS.

Xildhibaanadda waxay kaloo ka wada doodi doonaan Xeerka Doorashada Kuraasta Goballadda Waqooyi (Somaliland) iyo halka uu noqon doono Deegaan Doorashadooda, iyadoo la og yahay in Doorashadii Barlamaaniga ee dhacday sanadkii 2016-kii in Xildhibaanada Waqooyiga lagu soo doortay magaalladdan Muqdisho.

Dhinaca kale, Guddiga Wadajirka ee loo xil-saaray Dhamaystirka Xeerarka iyo Sharciga Doorashooyinka ayaa la filayaa inay Kulanka maanta kaga warbixiyaan Ajendaha Matalaada Gobalka Banaadir iyo dulucda ay ku saleeyaan Saamiga xubnaha Gobalka Banaadir ku yeelan doonaan Aqalak Sare ee BFS.

Ma kala cadda inay Xildhibaanadda maanta u gudbi doonaan inay Cod u qaadaan Xeerkaasi, maadaama ay dood xooggan ka taagan tahay Saamiga ay Guddigu u qoondeeyeen Gobalka Banaadir oo ay ku nool yihiin in ka badan saddex milyan oo qof.

Diidmo iyo Qeylo-dhaan xooggan ayaa waxaa ka muujiyey Hoggaamiyayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Dadka Deegaanka oo iyaga u arka Qoondadaasi mid Bah-dil iyo xadgudub ku ah Gobalka Banaadir.

Dadka ku nool Gobalka Banaadir waa Canshuur-bixiyayaasha ugu ballaaran ee bixiya Canshuurta ay DFS iyo Hay’adaha kale ku dhaqdhaqaaqaan, iyadoo ay dadka Gobalka Banaadir Lacagtooda ku maalgeliyaan guud ahaan Hay’adaha DFS iyo Mushaaraadka Ciiddamada.