Dawlada Soomaaliya oo sheegtay in gacanta ku dhigtay Hub sharci darro ah oo Dalka la soo geliyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xogo muhiim ah ku heshay in hay’ado ajanebi ah, waddamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo isbahaystay ay maalmahan isku dayayeen in ay hub culus iyo rasaas sharci darro ah soo geliyaan dalka, iyada oo aan haba yaraatee waxba lagala socodsiin, ogolaanshana aan laga haysan hay’adaha kala duwan ee Amniga Soomaaliya.

Qoraalka soo baxay Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay Hubkaasi sharcidaradaha  waxaana qolraalka lagu sheegay in Dalka Soomalaiya xilligaan uu ka jiro Nidaam iyo sharci  ka hortagya waxyaabaha sharcidarada ah ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Dawlada Federaalka Soomaaliya

Dowladda Federalka Soomaaliya waxay tilmaantay in qorshahan la rabay in Dalka lagu soo geliyo hub sharci darro ah iyo wax kasta oo khalkhal gelinaya nabadda iyo xasiloonida Dalka ay u aragto duulaan lagu soo qaaday madaxbanaanida iyo xasiloonida dalka. Mowqif adagna ay ka istaagi doonto

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com