5-Carruur ah oo ku geeriyootay Madfac ku dhacay Gurigooda Beled-Xaawo

Dagaal ayaa weli waxaa uu ka socda degmada Beledxaawo ee Gobolka gedo, halkaas oo la sheegay in xalay saqdii dehxe ay weerar ku qaadeen Ciidamada jubbaland ee uu hoggaaminayo Wasiirka amniga Maamulkaas Cabdi Rashiid Janan.

Dagaalka oo markale saaka bilaawday ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana go’an isgaarsiinta degmada Beled-xaawo, iyada oo dadka badi saaka ay bilaabeen inay barakacaan.

Qaar kamid ah dadka ku nool degmada Beledxaawo oo aan kala hadlay dhinaca Internet-ka maadaama ay go’an tahay Isgaarsiinta Magaalada ayaa waxaa ay sheegeen in tiro hoobiyeyaal ah oo laga soo riday dhinaca Magaalada Mandheera ay kusoo dhaceen Beledxaawo.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Hoobiye ku dhacay Guri ku yaal degmada Beled-xawo ay ku dhinteen 5 Carruur ah oo uu dhalay aabe lagu magacaabo Cabdiwali Turmaag Maxamed, kaas oo uu ka badbaaday.

Xaalada degmada Beledxaawo ee gobolka gedo ayaa kacsan, waxaana dagaalka guulo ka kala sheegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Jubbaland.