Dhageyso : Wasiir Fiqi oo sheegay in Alshabaab khasaare xooggan loogu geystay Dagaal ka dhacay Koofurta Gobolka Mudug

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka war bixiyay Dagaal ka dhacay koofurta gobolka Mudug ee dhexeeyay Alshabaab  iyo Dadka degaankaasi

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dagaalkaasi looga guuleystay Alshabaab loogana dilay Xubno badan ,waxana intaas uu ku daray in shabaab meydad badan oo gaaraya labaatameeyo Ruux  Hal meel ay ku aaseen taasi oo uu sheegay in ay ka dhalatay ka dib markii Dadka shacabka ay ku jebiyeen Dagaal ay ay soo qaadeen Alshabaab

Xaalada Deghaanada Camaara iyo Bacaadweyn ayaa haatan degan mana jiraan wax dhibaato ah oo  hadda laga soo sheegaayo

Dhawaan ayay ahayd markii dagal culus uu ka dhacay degaanka Bacaadweyne kaas oo u dhexeeyay Ciidanka Galmudug oo kaashanaya Dadka shacab ah ee degaankaasi iyo Alshabaab Walow Alshabaab Guulo ay ka sheegteen Dagaalkasi.