Dawlada Kenya oo walaac ka muujisay dagaalkii ka dhacay Degmada BaladXaawo

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ay u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay dagaalka kasoo cusboonaaday xuduudda, gaar ahaan magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Kenya waxay sheegtay in dagaalka uu u muuqdo in uu u dhaxeeyo ciidamada dowladda fedeeraalka Soomaalia iyo kuwa maamulka Jubaland.


Kenya ayaa intaas ku dartay in walaaceeda ugu weyn uu yahay in dagaalka uu dhaliyo barakaca dadka shacabka, uuna horseedo qaxooti badan oo magan-galyo doon ah oo soo gala Kenya.

Hadalkaan ka soo baxay Wasaarada Arimaha dibada Kenya ayaa imaanaya ka dib markii Dawlada Federaalka Soomaaliya ay ku tilmaamtay Dagaalkii ka dhacay degmada Baladxaawo ay soo qaadeen Jabhad ay soo abaabushay dawlada Kenya Hase ahaatee dagaalkaas ayaa waxaa uu u dhexeyay ciidamada Jubland iyo kuwa Dawlada Federaalka SAoomaaliya iyadoo midba midka kale uu ku Eedeeyay in uu dagaalka soo qaaday.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com