Madaxweyne Deni iyo James Swon oo ka wada lay khilaafka doorashada

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxda Hay’addaha WFP iyo UNHCR

Kulanka ayaa looga hadlay marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha Siyaasadda gaar ahaan Doorashada iyo shaqooyinka Hay’addaha Qaramada Midoobey ka fuliyaan Puntland sida mashaariicda horumarin kuwa bani’aadantinimo.

Waxaan sidoo kale Ergayga gaar ka ah uga mahadcelinayaa kulankii gaarka ahaa ee aanu yeelanay sidii deganaanshaha Soomaaliya horumarka la rajeynayo dhinaca siyaasadda hore loogu qaadi lahaa, gaar ahaan arrimaha doorashada oo runtii ah arrimo maalmihii u danbeysay taagnaa, wax wanaagsan oo muujin kara inay hore u sii socon karto in la helo doorasho lagu wada qanacsanyahay, oo ay kawada qeybgalaan dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya, sidoo kalena dadka daneeyayaasha Siyaasadda ee Soomaaliduna ay ka dhex arki karaan maslaxad Soomaaliyeed iyo mid loo simanyahay. Waxaan rajeynaynaa kulamadaasi oo weli socda in ay iyaguna gaari doonaan meelo muhim ah, oo la rajeynayo in lagu wada qanco.” Ayuu yiri Madaxweyne  Deni .

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan wuxuu muujiyay sida ay Beesha Caalamka u dooneyso in wadahadal lagu dhammeeyo arrimaha doorashada si loo gaaro heshiis lagu hirgelinayo doorasho wadar ogol ah oo lagu wada qanacsanyahay, isagoo sidoo kale xusay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com