Dawlada Federaalka Soomaaliya oo qaaday Xayiraadii ay saartay qaadka laga keeni jiray Kenya

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ganacsatadu ay Qaadka ay soo degsan karaan, waxaana intaas uu ku daray in ganacsatada looga baahan yahay in ay maraan waddo sax ah, isagoo ganacsatada uu ugu baaqay in ay sifo sharci ah dalka kusoo galiyaan Qaadka.

“Waxaa cadeynayaa in Qaadka uusan cidna u xirneen oo meel walba oo dalka laga soo galin karo haddii waddo sharci ah loo soo maro”ayuu yiri Bayle.

Wasiirka ayaa ugu baaqay ganacsatada inay ka qaataan dowlada fasax ah soo dejinta qaadka ayna meel walba oo dalka ka soo dejin karaan haddii ay qaataan fasaxa ayna bixiyaan lacagaha canshuurta ku waajibtey.

Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa kal hore mamnuucday dalka la keeno qaadka Kenya hay yeeshee waxaa lagu bedelay qaad laga keeno dalka Itoobiya oo muddooyinkii dambe Dalka lagu iibinayay

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com