Maraykanka oo Liiska Waxa loogu yeero Argagixisada ku dartay Afhayeenka guud ee Alshabaab

Mareykanka ayaa liiska Waxa loogu yero’  argagixisada caalamiga ah ku dartay afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamed Raage (Cali Dheere) iyo Sarkaal kale oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo loo yaqaan Ikrama oo  madax ka ah qaybta  qorsheynta howlgallada ee Al-shabaab.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu sheegay warkaan’.

“Waxaan ku dhawaaqayaa magacaabista shan hoggaamiye argagixiso ee Afrika, kuwaas oo kala ah Bonomade Machude Omar, hoggaamiyaha waaxda arrimaha dibada iyo militariga ee ISIS-ta Mozambique, Sidan ag Hitta, hoggaamiyaha maleeshiyada Jama’at Nasr al-Islam wal Muslimin (JNIM) ee dalka Mali, Salem ould Breihmatt, oo ah khabiir ku takhasusay qaraxyada, ahna hoggaamiye sare oo ka tirsan JINM qeybta Burkino Faso, Ali Mohamed Raage, iyo Abdikadir Mohamed Abdikadir in loo aqoonsaday inay yihiin Argagixisada Caalamiga ah”

Cali Maxamed Raage, oo loo yaqaan Cali Dheere, waa afhayeenka al-Shabaab iyo hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxdan. Wuxuu beddelay Sheekh Mukhtaar Roobowas afhayeenkii ugu sarreeya al-Shabaab bishii Maarso 2009. Raage wuxuu ku lug lahaa qorsheynta weerarro lagu bartilmaameedsaday deegaanno ka tirsan Kenya iyo Soomaaliya” ayuu yiri Xoghaye Blinken.

Blinken ayaa sheegay in Mareykanku ciqaab iyo cunaqabteyn adag saari doono shakhsiyaadka iyo ha’adaha gacansiiya ama la macaamila shantan xubnood.

“Mareykanka waxaa ka go’an inuu cuuryaamiyo hababka maaliyadeed ee ISIS-Mozambique, JNIM, iyo al-Shabaab, kuwaas oo dhammaantood loo aqoonsaday Ururo Argagixiso Shisheeye iyo si loo xadido awooddooda ah inay fuliyaan weerarro kale oo ka dhan ah dadka rayidka ah” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka Blinken.

Ma’ jiro War looga Falcelinaayo War Wasaaxafdeedkaaan ka soo baxay Maraykanka oo ay soo saareen Alshabaab.

Xafiiska Warbaahinta aragticusubMuqdisho.

Info@aragtiCusub.com