Danjiraha Marayknaka ee Soomaaliya oo Maanta ku wajahan Magaalada Garoowe

Danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yamamoto oo haatan ku sugan Magaalada Tan Muqdisho, ayaa manta ku  wajahan Magaalada Garoowe.

Danjire Yamamoto iyo Madaxweyne Deni, waxay kulan gaar ah ka yeelan doona xal u helidda khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashada Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Puntland, oo diiday in la xigto.

Safiirka Maraykanka ayaa kamid ah Xubnaha Beesha Caalamka ee doonaya in la xalliyo mkhilaafka ka taagan  Arrimaha Doorashada ee u dhexeeya dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada qaarkood iyo Midowga Murashixiinta, si loo qabto doorasho heshiis lagu yahay.

Beesha Caalamka ayaa dooneysa in doorasho Heshiis lagu yahay ay ka dhacdo Soomaaliya waxaana safiirka maraykanka ee Soomaaliya uu diiday in la qabto doorasho Hal dhinac ah

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com