Dhageyso: Jubland oo guulo ka sheegatay Dagaalka ka socda Degmada Balad Xaawo

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya dagaalkii xalay ilaa saakay ka socday Magaalada Balad Xaawo ee u dhexeeyay Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Maamulka Jubland

Madaxweyne ku Xigeenka  koowaad Maamulka Jubland Maxamuud Sayid  Aadan ayaa ku Eedeeyay in dagaalka ay soo qaadeen Ciidanka Dawlada Federaalka Soomaaliya oo muddooyinkii dambe isku aruursanayay degmada Balad Xaawo

Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku Tilmaamay Ciidankaasi  dagaalka la galay ciidamada Jubland in ay yihiin nabad sugida Soomaaliya

Hase ahaatee Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku Tilmaamatay Ciidanka Jubland Jabhad ay Kenya soo hubeynayso.