Hay,adaha Amniga puntland oo sheegay in la soo qabtay xubno ka Tirsan Daacish

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan aDaacish ee ku dhuumaalaysta Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Qaar ka  tirsan saraakiisha Taliska  Booliiska Gobolka Bari oo la hadlay warbaahinta  ayaa xaqiijiyay in xubnahaas lagu soo qabtay hawlgallo saacadihii  la soo dhaafay ay Booliisku ka sameeyeen gudaha Magaalada Boosaaso iyo qaar kamid ah degmooyinka kale ee  Gobolka Bari.

Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in qaar kamid ah kooxda gacanta lagu soo dhigay xilli ay doonayeen in ay u gudbaan Buuraleyda Calmiskaad halka qaar kalena laga soo qabtay xaafado ku yaalla gudaha Boosaaso.

Laamaha Amniga Gobolka Bari ayaa wada hawlgallo xiriir ah oo lagu beegsanayo kooxaha Amni-darrada ka gaysta   Gobolka Bari gaar ahaanna Magaalada Boosaaso

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com