Wasiir ka Tirsan puntland oo Eedeeyay Soomaaliland

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan, , ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay ka dambayso hurinta dagaal beeleedyo ka dhacay degaanno ka tirsan gobolka Cayn, gaar ahaanna degaanka Horufadhi.

Wasiirka ayaa sheegay in dano siyaasadeed oo Somaliland ka leedahay Gobolka Cayn, ay mar kasta u adeegsato isku dirka beelaha wada dhashay, si ay colaad iyo nacayb uga dhex abuurto, islamarkaana u qabsato dhulkooda, maadaama inta beeluhu midaysan yihiin aysan Somaliland qabsan Karin degaannadooda.

Wasiir Jaamac wuxuu sheegay, in marar kala duwan oo hore ay dhacday, in Somaliland isku dirtay beelaha deggan SSC, si ay wadajirkooda iyo midnimadooda u wiiqdo, dabadeedna u qabsado dhulkooda, iyadoo marmar siinyo ka dhiganaysa in Ciidamo la kala dhex dhigayo beelaha dagaallamay.

Ma jiro  War ka soo baxay Soomaaliland ee looga jawaabay eedeeynta uu wasiirka Caafimaadka puntland u jeediyay Soomaaliland.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com