Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo daahfuray Imtixaanka dugsiyada Sare

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa daahfuray Imtixaanka dugsiyadda Sare ee dalka oo maanta ka bilowday dhammaan gobollada dalka Marka laga reebo Somaliland iyo Puntland.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalk oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in uu guul u rajeynaayo Ardeyda maanta Imtixaanka u fadhiisatay, isagoo xusay in aad loo adkeeyay sanadkaan si uusan banaanka u bixin Imtixaanka.

Amaanka goobaha laga daah furay imtixaanka ayaa waxaa sugaya Ciidamo ka Tirsan Booliska Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com