Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federalka oo hadal dar daaran ah U jeediyay Ardayda maanta Imtixaanka U fariisatay

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ardayda maanta u fariisaneysatay  imtixaanka shahaadiga ee Qaranka u rajeeyay guul iyo natiijo ay ku farxaan.
qoraal uu soo dhigay wasiir Goodax bartiisa face buugga ayaa u qornaa“

“Annigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca waalidiinta Soomaaliyeed,waxaan dhammaan ubaxa Soomaaliyeed ee imtixaanka Qaranka u fadhiisaneysa u rajeynaa guul iyo natiijo ay ku farxaan”ayuu yiri wasiir Goodax.

Wasiirka waxbarashada XFS ayaa ardayda ku tilmaamay rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ardaydu ay ku dadaalaan tacliinta si dalku uu u noqdo mid horumar weyn gaara.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com