Axmed madoobe oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Cadaado

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta  socdaal  ku tagay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud halkaas oo lagu soo dhaweeyay .

Shacabka  Cadaado iyo Masuuliyiin ka Tirsan maamulka  Galmudug ayaa Madaxweyne Axmed madoobe  ku soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Cadaado.

Madaxweyne Axmed ayaa  waxaa uu sheegay in ay xusuus weyn ku leedahay Tariikhdiisa Magaaladan isla markaana uu muddo ku noola sidoo kalana uu aabahii Daaci diinta dadka bara ka ahaa

Axmed Madoobe Wuxuu sheegay  in uu jacaylkii uu aabahii Magaaladan u qabay mid lamid ah uu u hayo Shacabka iyo Magaaladan isla markana uu mar walba niyada ku hayo.

Shacabka ree Cadaado ayuu Madaxweynahu ugu baaqay inay garab istaagan maamulka  Cusub ee Galmudug oo ay la shaqeeyaan isagoo sheegay in dadka deegaankan lagu yaqaanay Walaalnimo iyo is jacayl

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com