Wariyaal lagu Xiray Magaalada Garoowe

Agaasimaha Radio Daljir Xarunteeda Garoowe, Khadar Cawl Ismaaciil iyo wariye Cabdiqani Axmed Maxamed oo isna ka tirsan Idaacadda Daljir, ayaa lagu xiray magaalada Garoowe.

Labada Waryiye, ayaa maanta xabsiga la dhigay xilli ay doonayeen, in ay maxkamadda Garoowe su’aalo ka weydiiyeen cabasho ka soo yeertay qoyska marxuumad Hodon Shanlayste, oo shalay dhaliil u jeediyay hannaanka caddaaladeed ee maxkamadda.

Qoyska Hodon Axmed Maxamed, waxay cabasho ka muujiyeen go’aankii maxkamadda Garoowe ku sii daysay lix nin oo ku eedaysnaa kiiskii marxuumadda, kuwaas oo sida Maxkamaddu sheegtay wax dambi ah lagu waayay.

Hodon Shanlayste, waxay ahayd gabar xaas ah oo Garoowe kufsi iyo dil loogu gaystay 10-kii April 2019, islamarkaana mudda sannad iyo laba bilood ah kiiskeedu soo jiitamayay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com