Madaxweyne Farmaajo oo Casuumaad U diraya Madaxda Maamulada Galmudug Koofur Galbeed iyo Hirshabeele

Wararka ka imaanaya   Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu martiqaad rasmi ah u dirayo  Madaxda maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, si ay uga soo qeyb galaan Shirka Wadajirka ah ee DFS iyo Maamulada, kaasoo maalmaha soo socda Mar  kale ka furmi doono magaalada Muqdisho

Shir saddex geesood ah oo maanta dhex maray Madaxweyne Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa mabda’ ahaan la isla gartay in maamul Goboleedyada maqan inay shirka ku soo biiraan.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa horay uga Baaqday shirkii ka dhacay Dhuusamareeb, waxay sidoo kale ka dhego  adaygeen  Go’aanadii kasoo baxay Shirkaasi.

Dhinaca kale Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku boggaadisay Madaxtooyada Villa Soomaalia inay si wadajir ah Muqdisho isugu keento Madaxda dowlad Goboleedyada isla si loo dhamaystiro heshiiska doorashooyinka.

Qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka ayaa sidoo kale waxay si weyn loogu mahadceliyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor doorkii hoggaamineed ee shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana lagu dhiirageliyay DFS iyo Dowlad Goboleedyada inay dhameystiraan mabaa’diida heshiis ku saabsan is afgarad sal ballaaran leh.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com