Marayknka oo ka digay in la musuq maasuqo Dib U Habeynta Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya

Maraykanka ayaa si adag uga digtay, in musuq maasuq lagu sameeyo Hannaanka Dib u-habaynta Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Barta Twitter-ka Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Dowladda Maraykanku taageerayso Barnaamijka Dib u-habaynta Ciidamada Soomaaliya, balse Qoraalka ayaa si adag uga digay in musuq maasuq iyo Qaraaba-kiil lagu sameeyo Hannaanka Dib u-habaynta Amniga.

Musuq maasuqa iyo qaraabo-kiilku waxay dhaawacayaan horumarka, waxayna wiiqeysa Amniga dadka Soomaaliyeed, iyadoo xoojineysa Cadawga” ayaa lagu yiri Qoraalka

Warkaan ka soo baxaya Sarfaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya Xilli la sheegay in la musuq maasuqayo dib u Hbeynta Ciidanka Militariga Soomaaliya oo Beel ahan lagu soo xulayo gaar , ahaan Ciidanka Kumaandooska ee DANAB

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com